Somali Marriage
Adverts by Country
Adverts by Mosques
Classifieds
Adverts by Country Classifieds Somali Marriage News Adverts by Mosque Somalia Our Country About Us
Advertisements

We are Hiring " IRF...
kasur

Tuition Lessons
London

Tackling TB in the S...
London

Tackling TB in the S...
London

Guryo Kiro iyo Iib a...

Are you looking for ...
London

Qeyb-ta 12aad -Sheek...
London

Education Officer, U...
London

Education Officer, U...
London

Project Manager, Som...
London

External Midterm Eva...
London

Programme Specialist...
London

3 bderoom Fully Furn...
NAIROBI

Sheekadii HEYBE IYO...
London

Qiso Dhab AH AQRI
nairobi kenya

Ha noolaato

Somali Heroes

What will be become ...
London

Nagala soo bac
somali

Waving flag
Somalia

Sheekadii HEYBE IYO...

Guryo Cusub Oo Kiro ...
Burco

Hees Cusub - Deymada...

Asda Jobs
Enfield

Qeyb-ta 9aad
London

Qeyb-ta 9aad
London

World Health & Safet...

FREE online courses ...
London

FREE online courses ...
London

HORN OF AFRICA DRIVI...
`Hackney

Bristol to london
bristol

harai ahmed harari
Edmonton

Retail Security

Professionals are ne...

Ciqaabta qofka ka ta...

VAN
London

cheap tickets
London

Guri Iib ah
Cairo

FREE SIA Door Superv...
London

Landcruiser Gado 4.5...
Baardheere

Qeyb-ta 4aad.

5 x Dinner Ladies
Westminister

Dukaanka Qalabka qur...
Nairobi

Muslim Driving Schoo...
Wood green/ Enfiels

Qeyb-ta 3aad

Daryeel Construction...
Hargaisa

Shirkada Mubarak Gro...
Garowe

Security Training
Islington

Computer Technician ...
London

Room Attendant

Training
London

Mustaqbal Express
London

Qaybtii Labaad

Retail Security
London

4 x Night Cleaner
London

accounting
mombasa

Professional Chauffe...
London

Osman's Removals
London

diesel jaban oo iib ...
dubai

Qaybtii Koowaad

Camel Meat - Boneles...
London

FREE COMPUTER LESSON...
London

FREE COMPUTER LESSON...
Somali

SAHAL TRAVEL
London

Health and Social Ca...
London

CUSTOMER SERVICE NVQ...
London

FREE Computer Traini...
London

SIA CCTV Security Tr...
London

Looking for Work?
London

Mans And Vans Servic...
Dunbartonshire

Builders, Painters, ...
Dorset
Qaybtii Koowaad
Date posted: Wednesday 02 December
Location:
Price : FREE
Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY.


Cutubka 1-aad:- SAFARKII SILOONAA.

Qeyb-ta Koowaad.



Kolkii uu qarxay dagaalkii lagu dilin-dileeyay dowladii kacaanka aheyd, qaxayaasha tiro ahaan aan la qiyaasi karin ee dalkii ka cararay waxaa ka mid ahaa Heybe Xaaji dhengad, wuxuuna isagu kolkii ay xabadu dhex xawaareysay xaruntii dalka ee Muqdisho baarka ka jaray gugii 23aad, isagoo (Heybe) ka mid noqday dadkii ugu horeeyay ee ka baqoolay magaaladii bari-samaadkii ugu bilicda sameyd bariga Afrika ee Muqdisho.



Safarka aan lagu talo gelin ee dantu keentay, aan iraahdo QAX waxaa ku wehliyay Heybe labo ka mid ah dhalinyaradii ay isku hoyga ku noolaayeen, Hire iyo Siciid waxaana Adeer iyo Eedo sida ay u kala horeeyaan u ahaa Xaaji Dhengad iyo Afadiisa Libin, aabaha iyo hooyada Heybe, waxayna noloshii caruurnimo isla soo qaateen isaga oo ay isla soo barbaareen.



Dhalantii waxay xabad ka cararkii ku gaareen magaalo xeebeedka koofureed ee Kismaayo, halkaas oo ay soo beegsadeen dad aan yareyn oo sidooda oo kale ka soo baxsaday balaayadii soo balaysay bartii ugu bulshada badneyd magaalooyinka dalka ee Xamar, waxaana iyaga u bilatay nolol ay moogaayeen, waayo, waa markii ugu horeysay ee ay baalka dhigaan baradooda meel aan ahayn.



Heybe si gaar ah ayay ugu adkaatay in uu la qabsado xaalada qalafsan ee qaxa, sidoo kalena waxuu tahli waayay inuu qarsado sida uu uga xun yahay ku noolaashaha Kismaayada uu qaxootiga ku yahay, isla markaana uurka ayuu ka hiifayay ibtilada sababta u ah waxa ka aloosan caasimadii, wuxuuna dhowr jeer u hinqaday dib ugu laabashada hoygooda, laakiin waxaa rabitaankiisa ku hor gudbanaa amar adag oo uu ku soo lamaanshay aabihii, kaasoo ay u muuqatay in dhibaatadu sii daba dheeraan doonto, dantuna ku jirto naf la carar.



Iyadoo xaalku sidaa yahay, intaana ay soo kordhayaan dadka ka baxsanaya baaruuda ka bagagac leh Muqdisho, ee qaxootinimada ku imanaya Kismaayo ayaa waxaa qaxayaashi ku soo siyaaday Hooyo Libin iyo intii kale ee reerku ka koobnaa marka laga reebo Xaaji dhengad oo ku adkeysatay in uu aqalka ilaalo ka ahaanayo.



Heybe wuxuu la diifeysnaa ku noolaashaha Kismaayo, waxase uga sii darnaaday fariin ay daboolka uga qaaday Hooyo Libin, taasoo ahayd in loo darbado oo loo diyaar-garoobo safar aan sahlanayn oo lagu beegsanayo dalka nala deriska ah ee Kenya, isagu ma jecleysan arrinka la soo jeediyay, waxaase dhegihiisa laga dherjiyay codka Aabihiis oo ku duubnaa cajal ay maamadu siday, Xaajiguna wuxuu si gun iyo baar ah ugu tirtirsiiyay inankiisa in arrintu lama huraan tahay, dantuna ku jirto, isagoo ula hadlay si uu dareemi karo, waa dad is dhaloo is yaqaan, codkii Xaaji Dhengad wuu saameeyay Heybe, wuxuuna u muuqday mid qaatay oo ku qancay qaraarkii Aabihiis soo jeedshay, intaa waxii ka dambeeyay waxaa la oogay tabaabushe safar, iyo in loo hayaamo meel aan hore hiyiga loogu heyn.



Reer Xaaji Dhengad waxay Kenya ku gaareen safar dhanka badda ah, dad badan ayayna ka hoodo wacnaayeen, kuwaasoo safar dhib badan oo dhanka dhulka ah ku galay dalka ood wadaagta nala ah ee Kenya oo horaantii sagaashanaadkii ahaa mid ay ku soo hirtaan habqankii ka baxsanaayay shidadii ka hulaaqeysay dalka oo gaartay heerkii ugu xumaa marka laga hadlayo nolosha aadmiga.



Waayuhu waxay isku bedbedalaan dadka dhexdiisa, haddaad adigu wacan tahay ama wanaagu deris kula yahay, eynigaa ayay ka walaacsan tahay oo walbahaar wehel la ah, taasina waa caadada lagu yaqaan waayaha adduun, waxaad heysato asaagaa ayay weydaaran yihiin, wadaantana u geli la’yihiin, wixii kaa maqana kheyrkaa ayaa walwaalanaya, xusuuso “HADDAAD ADIGU WACAN TAHAY INAAN LIITO MA OGTAHAY”, wax badan ayay nolol naaladeedu wacan tahay u soo joogeen, adduunse negaadi ma leh, noloshiisuna kolba waa heer, doqonise waa moog tahoo, dareen-ba uma ay laha arrinkaas.



Ina Xaaji dhengad duni kale ayuu dhex galay, weligiina isma oran, ama ku fekerin daartii weyneed ee aabihii ku lahaa xaafada Kaasobobolaare ee Degmada Hodan ayaad habeen ka dhixi, maantana isma hayaan oo waxay dantu tustay in uu noqdo dibad-yaal magan ka doonay dal kale oo aan kiisi ahayn, kaaga darane markii ugu horeysay jiritaankiisa ayuu ka wewelay wixii uu cunaha marin lahaa.



Sida harku dharaar qura kolba dhan u maro. ayay nolosha adduun tahay, fal kastana wuxuu u sameysan yahay isu dhigan, ama arrimo is diidan oo iska soo hor jeeda, farxadu waxay dib u jaleecaysaa murugo,taas oo ah fal ku liqdaaran iyada, mar walbana abuuraya xaalad madow oo uu ku bedelo dareenka lagu yaqaan farxada ee loo bogo, jaceylka waxaa beegsanaya naceyb, doonaya in uu baraaraha lagu yaqaan kalgacalka baro bixiyo, booskiisana ku buuxiyo hagar daamada iyo xasadnimada lagu yaqaan neceybka oo ah fal aan ku fiicneyn farsamada nolosha, hodontinimadana waxay ka harsan la’dahay faqri, u hanqal taagaya in uu haadaan ku rido wanaaga hareeya kuwo liibaanta adduun ay u hiilisay, halka aqoontu ka ledi la’dahay jahli u fara jaawinaya in uu jabad ku tuuro jowharada iyo jaaha nuurka leh ee aqoontu ku baahiso dadka dhexdiisa La soco qeyb-ta 2-aad.



Hal-abuurkii:-

C/naasir Dalmar Maxamed.

=shamsuddiin64@yahoo.co.uk=

©copyright of www.somalad.com
Contact details
Help | Contact Us | Terms & Conditions l Privacy Policy Copyright © 2009 Somali Ad.