|
 |
|
|
|
|
|
|
|
We are Hiring " IRF... kasur Tuition Lessons London Tackling TB in the S... London Tackling TB in the S... London Guryo Kiro iyo Iib a...
Are you looking for ... London Qeyb-ta 12aad -Sheek... London Education Officer, U... London Education Officer, U... London Project Manager, Som... London External Midterm Eva... London Programme Specialist... London 3 bderoom Fully Furn... NAIROBI Sheekadii HEYBE IYO... London Qiso Dhab AH AQRI nairobi kenya Ha noolaato
Somali Heroes
What will be become ... London Nagala soo bac somali Waving flag Somalia Sheekadii HEYBE IYO...
Guryo Cusub Oo Kiro ... Burco Hees Cusub - Deymada...
Asda Jobs Enfield Qeyb-ta 9aad London Qeyb-ta 9aad London World Health & Safet...
FREE online courses ... London FREE online courses ... London HORN OF AFRICA DRIVI... `Hackney Bristol to london bristol harai ahmed harari Edmonton Retail Security
Professionals are ne...
Ciqaabta qofka ka ta...
VAN London cheap tickets London Guri Iib ah Cairo FREE SIA Door Superv... London Landcruiser Gado 4.5... Baardheere Qeyb-ta 4aad.
5 x Dinner Ladies Westminister Dukaanka Qalabka qur... Nairobi Muslim Driving Schoo... Wood green/ Enfiels Qeyb-ta 3aad
Daryeel Construction... Hargaisa Shirkada Mubarak Gro... Garowe Security Training Islington Computer Technician ... London Room Attendant
Training London Mustaqbal Express London Qaybtii Labaad
Retail Security London 4 x Night Cleaner London accounting mombasa Professional Chauffe... London Osman's Removals London diesel jaban oo iib ... dubai Qaybtii Koowaad
Camel Meat - Boneles... London FREE COMPUTER LESSON... London FREE COMPUTER LESSON... Somali SAHAL TRAVEL London Health and Social Ca... London CUSTOMER SERVICE NVQ... London FREE Computer Traini... London SIA CCTV Security Tr... London Looking for Work? London Mans And Vans Servic... Dunbartonshire Builders, Painters, ... Dorset
|
|
|
|
|
Qaybtii Labaad
|
|
Date posted: Monday 14 December
|
|
Location:
|
|
Price : All Rights Reserved
|
Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY.
Cutubka 1-aad:- SAFARKII SILOONAA.
Qeyb-ta 2aad.
Heybe wuxuu duni joogaba, haatan ayuu garowsaday micnaha ka dambeeya isbedelka waayaha, waxaana u soo martiyay muuqaal kale oo ay leedahay noloshu, taasoo isaga ka dahsooneyd imminka ka hor, nolol maalmeedka u bilowdayna wuu ku miirmay, oo muddo kooban ayuu ku lumiyay miisaan aan yareyn.
Madluunimada soo wajahday heybe waxaa miciin iyo gar-gaarba uga noqday Hire iyo siciid, oo ahaa kuwo uu illaah ku maneystay miisaan dadnimo oo ay kaga duwanaayeen isaga, muuqaalka jireed waa laga siman yahay, laakiin waxaa lagu kala gedisan yahay milgaha qofnimo oo ah micnaha dhabta ah ee ruuxu leeyahay kuna qarsoon oogadiisa.
Taageeradii uu ka helay walaalihii la socday ayuu wiilkii Xaaji Dhengad kaga soo kabtay kadeedkii uu kala kulmay nolosha kahashada leh ee qaxootinimada, wuxuuna go’aan ku gaaray in uu kelyo adeyg ku qaabilo isbedelka nolosha, ilaa uu gaaray heer uu si kalsooni leh ula karaar qaaday keynaanka waayaha ee kaabiga isku haya.
Garaad la isku biiriyo ayaa laga fishaa baraare iyo horumar, iskaashi iyo dadnimo ayay muujiyeen dhalintii daruufuhu badeen inay dalanbaabi ku tegaan dal aysan maqal mooyee indho ku diirin, iyadoo uu halkiisii ka sii socday dagaalkii galaaftay dowladnimadii iyo nafta dad badan oo Soomaaliyeed, dadaal kadibna dhalintii waxaa u suurto gashay inay un-kaan ganacsi heer hoose ah oo ay ka bilaabeen Mombasa-dii ay qaxootiga ku ahaayeen.
Si doqon ma garatay ah ayuuna ganacsigoodii isu soo taray, taasoo ka caawisay inay ka soo doogtaan diiftii iyo diihaalkii qaxu baday, waxayna noqdeen dad isku filan nolol maalmeedkoodana debarta, cawadood iyo ayaankood-na* kama mid noqon Soomaaliada isu diiwaan-gelisay qaxootinimada ee ku noolaa xeradii caan baxdey ee Utanga.
Intii muddo ah waxay ku jireen nolol yididiiladeedu kob-ceyso, waxaana laga dareemi karay niyaayir iyo niyad samaan, xaalkooda oo sidaa ah, liibaantuna dhankooda u soo talaabo qaadeyso, ayaa waxaa la soo gaarsiiyay hadal aanay maqlidiisa mahdin, murugona ku beeray, waxaa loo soo sheegay geeridii Xaaji dhengad, kaasoo mowdku haleelay markii uu la dhul dhacay cudurka sokorowga ama kaadi macaanka, oo in muddo ah-ba hayay, markanse waxaa ugu darsamay daruufaha adag ee ay la qabeen dadkii ku haray dalka oo ay caadi u noqotay dagaalo aan dhammaan iyo isku dhacyo soo noq-noqda oo u dhexeeya beelaha uu gacanta u galay hubkii qaranka ee loogo talo galay in dalka looga difaaco cadow kastee qatar geliya jiritaanka qaranimo ee dalka.
Hadalkaas dhiilada leh wuxuu gilgilay dareenkii dhalinyarada, kuwaasoo is moodsiiyay inay iska mooseen dhanka madow ee nolosha, maskax la isku geeyo waxaa laga rajeeyaa miro wax gal ah, sidaa darteed waxay si isku mid ah u qaateen go’aan ah inay maankooda ka masaxaan nabarka ku gaaray geerida darteed, hase yeeshee waxaa si magoogasho leh u saamaynayay murugada hooyo Libin, oo ay iyada gocosho madoobi qalbiga kaga milganayd, waxaana ka maadan waayay uur ku taalo, iyadoo mooro u noqotay xusuus mahadho leh, waxayna milcsaneysay maalmihii ay isla soo mareen Xaajiga, iyo wixii ay isla soo muteen.
Cadceed baa geeska bari ka soo baxday, gelin baa sidaa ku dhammaaday, dhanka galbeed ayay garabka dhigatay, dharaar baa sidaa looga gudbay, geedigaa aan hakaneyn ayay waayuhu ku jiraan, maalmuhuna waa is gurayaan, oo is daba gur-guuranayaan, keynaan xawaareedka ay ayaamuhu ku tegayaan aadmigu waa moog yahay, balse geerida iyo gabowga ayaa ah xusuusta ugu mudan ee ay dadku ku yaqiinsadaan waqtiga is daba yuf leh sidii yaare** deyreed.
-------------------------------
*Cawo iyo Ayaan waa isku micno, waana nasiib ama hoodo.
**Roobka Deyr-ta oo ka da’ dhul xeebeedka Soomaaliya, waxaa lagu yaqaan inuu yahay mid dabeyli ku laran tahay, Soomaalidu waxay dabey-shaa u yaqaanaan magacyo kala duwan, kanina wuxuu ka mid yahay magacyadaas.
La soco qeyb-ta xigta.
F.G:- Xuquuqdu waxay gaar u tahay bogga www.somaliad.com, sinaba ha u adeegsan sheekadan idin la’aanta boggan.
Hal-abuurkii:-
C/naasir Dalmar Maxamed.
=shamsuddiin64@yahoo.co.uk=
©All Rights Reserved
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|