Somali Marriage
Adverts by Country
Adverts by Mosques
Classifieds
Adverts by Country Classifieds Somali Marriage News Adverts by Mosque Somalia Our Country About Us
Advertisements

We are Hiring " IRF...
kasur

Tuition Lessons
London

Tackling TB in the S...
London

Tackling TB in the S...
London

Guryo Kiro iyo Iib a...

Are you looking for ...
London

Qeyb-ta 12aad -Sheek...
London

Education Officer, U...
London

Education Officer, U...
London

Project Manager, Som...
London

External Midterm Eva...
London

Programme Specialist...
London

3 bderoom Fully Furn...
NAIROBI

Sheekadii HEYBE IYO...
London

Qiso Dhab AH AQRI
nairobi kenya

Ha noolaato

Somali Heroes

What will be become ...
London

Nagala soo bac
somali

Waving flag
Somalia

Sheekadii HEYBE IYO...

Guryo Cusub Oo Kiro ...
Burco

Hees Cusub - Deymada...

Asda Jobs
Enfield

Qeyb-ta 9aad
London

Qeyb-ta 9aad
London

World Health & Safet...

FREE online courses ...
London

FREE online courses ...
London

HORN OF AFRICA DRIVI...
`Hackney

Bristol to london
bristol

harai ahmed harari
Edmonton

Retail Security

Professionals are ne...

Ciqaabta qofka ka ta...

VAN
London

cheap tickets
London

Guri Iib ah
Cairo

FREE SIA Door Superv...
London

Landcruiser Gado 4.5...
Baardheere

Qeyb-ta 4aad.

5 x Dinner Ladies
Westminister

Dukaanka Qalabka qur...
Nairobi

Muslim Driving Schoo...
Wood green/ Enfiels

Qeyb-ta 3aad

Daryeel Construction...
Hargaisa

Shirkada Mubarak Gro...
Garowe

Security Training
Islington

Computer Technician ...
London

Room Attendant

Training
London

Mustaqbal Express
London

Qaybtii Labaad

Retail Security
London

4 x Night Cleaner
London

accounting
mombasa

Professional Chauffe...
London

Osman's Removals
London

diesel jaban oo iib ...
dubai

Qaybtii Koowaad

Camel Meat - Boneles...
London

FREE COMPUTER LESSON...
London

FREE COMPUTER LESSON...
Somali

SAHAL TRAVEL
London

Health and Social Ca...
London

CUSTOMER SERVICE NVQ...
London

FREE Computer Traini...
London

SIA CCTV Security Tr...
London

Looking for Work?
London

Mans And Vans Servic...
Dunbartonshire

Builders, Painters, ...
Dorset
Qeyb-ta 9aad
Date posted: Wednesday 28 April
Location: London
Price : copyright of www.somalad.com
Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY.

Cutubka 3-aad:- Labo kala baridey kala war la’.
Qeyb-ta 9aad.

Xaalada ku soo deriday ee ku dul habsatay Heybe waxay dhiniciisa culeys kaga noqotay Siciid, waayo wuxuu waayay kaalinkii kaga aadanaa howlaha dukaanka, ileyn wuxuu la ciirayaa oo curuqyada jirkiisa cadaadinaya muhashada aan caadiga ahayn ee uu hayo tii ay calmashadu calanka u dul surtay, waxaana si cufan oo culeyskeeda leh uu ula calool-yoobayaa xiiso cilinaad ah oo uu iyada u hayo, taasina maaha mid uu kula calool fiyoobaanayo Siciid oo wuxuu haaraamayaa maalin baastii ay dukaanka soo booqatay.
Heybe dukaanka wuu dhex joogaa mooyee maan-kiisu meelo aan la tilmaami karin ayuu miranayaa, inta badan wuu maah- san yahay oo waa maqane jooge, muuqiisaa meesha mutuxan mooyee waa maqan yahay, waxaa dhacda in uu marar badan dadka beec doonka ah siin waayo jawaab, keliya indhaha ayuu ka mirig-mirig siinayaa.
MAR BAAN SIDA MA YEERAAN MUDDO AAMUSAAYOO ISHA MIRIG KA SIIYAA, ayuu xaalkiisu la meel moqday, arrimuhu way isku milqi lahaayeen haddii aanu jirin ruux saddexaad oo shaqaale ah, muddo-na dukaanka joogay, Siciid-na waxay taasi u noqotay fursad ka furdaamisa fahmad la’aanta heysata Heybe.
Dhanka kalena waxaa Nairobi soo gaaray dano-na ka soo yeeshay Hire, intii uu joogey-na dhankiisa ayuu how-sha ka cabay, waana la taabsiiyay in Heybe la saaqey oo ay sun jaceyl laabta kaga sidkan tahay, qudhiisu wuu dareemay wuuna daalacday xaalada deriska la noqotay, ku lug yeelashadii beeca dukaankana uguma darin isaga ee waxay u noqotay fursad uu si weyn ugu fahmay dhaqdhaqaaqa ganacsi ee meesha ka socda, waxuuna ku hamiyay in uu halkan u soo wareego reerkana soo raro, oo lagu soo idlaado Islii iyo Nairobi.
Mararka saanta dadku ka yaraato dukaanka, sheekada furan ee lagu maad-sado waxay noqotay arrimada heysa Heybe, isna wuu ku istareexaa maxaa yeelay wuxuu u arkayay mashquulintu inay ka yareynayso mahadhada ku maax dilaacda mar kasta oo uu soo xusuusto mida makaabsatay ee minanka ku yeelatay maankiisa, xaalkii oo sidaa ah-na maalmo badan ayaa sidaa lagu mooday, waqtiguna geedigiisi ayuu isaga jirey.
Shalay iyo maanta isku mid maaha, maalmuhuna waa kala duwan yihiin, ayaamuhu-na waxaysan isaga mid ahayn dhacdooyinka ay sidaan, ee ay wal-waalayaan, marar hore waxaa jirtay in uu Heybe la anfariiri jirey haddii uu arko qof la leeyahay waa la gaaray oo caashaq baa gaaday, haddase isagii ayaa la hayaa oo la haleelay, weliba howl u gooni ah ayaa hoodi soo tiri, kalgacal keli kugu kooban waa adduun kugu kadleeyay, reer Banaadirigu waxay markan oo kale ka yiraahdeen KELIGAA WAX JECLOOW WAREER WAAYE, been-na maahoo waa taas Heybe la harsan la’yahay, hoyaad-na uga tegay jaceyl keli ku ah oo aan lala habeynayn, haddii loo ogaan lahaa hiirtaanyada haatan heysa ma heyseen ee wuxuu ka hirqan lahaa dhinaciisa wanaagsan, haddii lagu diidana si un buu ka yeeli lahaa.
Naf iyo damac maxay dadka debin-daabyo ku hayaan, Heybe naftu waxay u doortay gabar doonistiisa moog, damacuna sidoo kale ayuu diirada u saaray naf derbi kaga aadan yahay rabitaankiisa, waxoo dhan waxaa isku fuuqsaday dookha dunta ugu xirey mid uu jaaheeda dharaar keliya daalacday, yaabka yaabkiis iyo lama arag maahoo!!!!.
Inkasta oo aadanuhu kahsado wixii ka raaga, haddana waqtigu wuu imaan kadoba ha ku yimaadee, mana dheere maalmaha is riixiyaa inay kuula yimaadaan arrin aad muddo sugeysay kuguna dheeraatay, waayuhu waxay is guraan, guhaada kalgacalkuna qalbiga Heybe ay gal-gelin ka samaysatay, waxaa la gaaray ammintuna gaadada saartay xilli xaggiisa gob ka ah, si weyna uu u dhereraayay, haddii arrimuhu isu muujin lahaayeen si hor-dhac ah, dadka qaarkii waxaa laga yaabaa inay farxadu ku noqoto naxdin oo ayba ku walaacaan helitaanka wixii ay sugayeen halkii ay kaga farxi lahaayeen, xusuuso FARXADI WAA NAXDIN.
Sidii u caadada ahayd ayuu Heybe soo aaday dukaankooda, wuxuuna weli la tiicayaa tacadiga jaceyl ee laabtiisa taalada ka samaystay, haddiise uu ogyahay inay maanta ka duwan tahay maalmaha kale oo ay waayuhu dhankiisa u soo ridayaan fursad isaga reyn reyn iyo riyaaq u ah lama saadaalin kareen dareenkiisu sidii uu noqon lahaa, lamana qiyaasi kareen farxadiisu heerka ay gaari lahayd, yaase kuu sheegaya waxa ku soo aadan eed kala kulmayso waqtiga, waa cid-na.

La soco qeyb-ta xigta.
F.G:- Xuquuqdu waxay gaar u tahay bogga www.somaliad.com, sinaba ha u adeegsan sheekadan idin la’aanta boggan.

Hal-abuurkii:-
C/naasir Dalmar Maxamed.
=shamsuddiin64@yahoo.co.uk=
Contact details
Help | Contact Us | Terms & Conditions l Privacy Policy Copyright © 2009 Somali Ad.