|
 |
|
|
|
|
|
|
|
We are Hiring " IRF... kasur Tuition Lessons London Tackling TB in the S... London Tackling TB in the S... London Guryo Kiro iyo Iib a...
Are you looking for ... London Qeyb-ta 12aad -Sheek... London Education Officer, U... London Education Officer, U... London Project Manager, Som... London External Midterm Eva... London Programme Specialist... London 3 bderoom Fully Furn... NAIROBI Sheekadii HEYBE IYO... London Qiso Dhab AH AQRI nairobi kenya Ha noolaato
Somali Heroes
What will be become ... London Nagala soo bac somali Waving flag Somalia Sheekadii HEYBE IYO...
Guryo Cusub Oo Kiro ... Burco Hees Cusub - Deymada...
Asda Jobs Enfield Qeyb-ta 9aad London Qeyb-ta 9aad London World Health & Safet...
FREE online courses ... London FREE online courses ... London HORN OF AFRICA DRIVI... `Hackney Bristol to london bristol harai ahmed harari Edmonton Retail Security
Professionals are ne...
Ciqaabta qofka ka ta...
VAN London cheap tickets London Guri Iib ah Cairo FREE SIA Door Superv... London Landcruiser Gado 4.5... Baardheere Qeyb-ta 4aad.
5 x Dinner Ladies Westminister Dukaanka Qalabka qur... Nairobi Muslim Driving Schoo... Wood green/ Enfiels Qeyb-ta 3aad
Daryeel Construction... Hargaisa Shirkada Mubarak Gro... Garowe Security Training Islington Computer Technician ... London Room Attendant
Training London Mustaqbal Express London Qaybtii Labaad
Retail Security London 4 x Night Cleaner London accounting mombasa Professional Chauffe... London Osman's Removals London diesel jaban oo iib ... dubai Qaybtii Koowaad
Camel Meat - Boneles... London FREE COMPUTER LESSON... London FREE COMPUTER LESSON... Somali SAHAL TRAVEL London Health and Social Ca... London CUSTOMER SERVICE NVQ... London FREE Computer Traini... London SIA CCTV Security Tr... London Looking for Work? London Mans And Vans Servic... Dunbartonshire Builders, Painters, ... Dorset
|
|
|
|
|
Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY. Cutubka 4-aad:- Ka dar oo dibi dhal. Qeyb-ta 10aad
|
|
Date posted: Friday 21 May
|
|
Location:
|
|
Price : free
|
Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY.
Cutubka 4-aad:- Ka dar oo dibi dhal.
Qeyb-ta 10aad
Amintu waa barqo, madashuna waa dukaankii asxaabteena ( Siciid iyo Heybe ) cimiladu way cudoon tahay, saxansaxo naftu u bogeyso ayaa hareysay caasimada Kenya ee Nairobi, inkasta oo ay ciidu qoyan tahay maadaama uu wax yar ka hor qayooday roob tiix ah, haddana dhiiqada ay caanka ku tahay Islii waxaa ku ilowsiinaya cadarka ay keentay daruurta dul hoganaysa halkaas, iyagoo la maqsuudsan farxada ay cimiladu ku bariidisay ayay timid bishaaro kale.
Tanise waa mid u gooni ah oo u gaar ah Heybe, waxaana kedinka ka soo muuqday naf uu si gaar ah u garanayo, taasoo dhankiisa looga han weyn yahay, bal malee, yaa kale Haweeyaa soo hiratay, welibana dhoola cadeyn iyo muusood ayay muujineysaa, ma ka dar allaa mise wey ka war heysaa in xaggeeda laga gaaray, oo kas iyo maag ayay u sii damqeysaa boogta isaga ( Heybe ) hafeefanaysa, siday wax u jiraanba wey timid, salaan guud ayayna wada deeqsiisay, weyna ka qaadeen.
Waagii iftiimiyo, aroortii timaadaba, maalmuhu kala eyni weeyoo, ayaamuhu kala haboon, mid-ba ifafaalaheed, waqti yar ka hor Heybihii madluun-sanaa, haatan farxad buu muujinayaa, bashaashnimo aan horey looga baran ayuu soo ban-dhigay, fur-furnaantii uu lumiyay ayuu imminka laalayaa, wuxuuna si hoose oo isaga iyo naftiisa u gaar ah hoosta kaga xariiqay in uusan fursadan soo martay qasaarin, ugu yaraana helo hoygeeda, si uu xilliyada soo socda ugu gudbiyo rabitaanka bilowday dharaartii ugu horeysay ee uu arkay, kana codsado inay aqbal tiraahdo dalabkiisa oo aysan ku cidleyn cishqiga sii baahaya ee uu u hayo iyada, kaasoo isaga in muddo ah-ba culeys ku hayay, curuqyadiisana caalir iyo laxow ku idleeyay.
Heybe waxaa u soo martisay maalin farxadeed, maalin si weyn xaggiisa muhiim uga ah, maalin astaan u noqon doonta caashaqiisa ugubka ah, maalin uu markii ugu horeysay tijaabin doono nasiibkiisa la xiriira xod-xodashada hablaha, si kastoo arrimuhu u dhacaan, haatan xaalkiisu waa mid caada maraya, ugu yaraana wuxuu iska yareeyay kiilkii muddoba saarnaa iyo kohoshadii uu ka qaaday doonista keliga ku ah, wuxuuna helay wadiiqo uu u maro wadadii uu ku unki lahaa wada socod ku aroora dhabaha toosan ee ku dhammaada kalsooni loo aayo mustaqbalka dambe ee loo wada haliilayo.
Markii ay muddo reyn-reynta iyo riyaaqa Heybe raarka sare gaareen, lana bilay sheeko loo bogay baro riyaaqeeduna sareeyo, Haweeya waxay u holotay inay hoygoodii beegsato, is-na waa halkii uu u bukee, iyadoo aan ku casuumin ayuu cariirsaday in uu sii dhoweeyo, inkastoo ay caado dumar isla majiirtay, ayna muujisay inay ka maageyso arrintaas, haddana way aqbashay markii ay aragtay inuusan hareyn ee uu ku adkeysanayo la saanqaadideeda, wadajir ayayna dukaanka uga baxeen.
Socodkii ka soo bilowday dukaanka wuxuu amin gaaban kadib ku dhammaaday rugta ay ku nooshahay Haweeya, Heybana waxaa u hirgilay qeyb ka mid ah hamigiisa, oo wuxuu helay meel uu ugu hagaago mida uu han weyn yahay ee qalbigiisa hareysay, laabtiisana humaageedu hoganaayo, socod dheer talaabo ayuu ka bilowdaaye, waxaa amboqaad u muuqda abaabulka Heybe ee gundhigiisu yahay in uu helo gacal wadaag ay isla guntaan caashaq gaamura, gebagabadiisuna tahay guri loo aayo oo lagu gaax maalo godol jaceyl.
Wuxuu uga mahad celiyay sida ay uga ogolaatay in uu dhoweeyo, isagoo u tibaaxay in uu aad ugu faraxsan yahay soo barashada halka ay ku nooshahay, iyaduna waxay ku tiraabtay inay taasi caadi tahay, dadkuna is bartaan maalin, oo ay iskaba tahay wax nolosha ka mid ah, qaabka ay u hadashay isagoo ka faa’iideysanayana wuxuu far waaweyn ugu dhigay in uu ku niyad samaan lahaa barashadooda oo sii socota, iyo booqashada oo joogto noqota, waxayna kaga farxisay inaysan wax-ba ku jabnayn oo mar haddii la is bartay ay haboon tahay in la sii wado barashadaas, bogaadinta qalbigiisa ka guuxeysa awgeed hadalkii ayaa ka soo bixi waayay, wuxuuna gilgilay madaxa si uu u cabiro in uu la qabo ra’yigaas.
Farxadii uu Heybe dareemay markii ay ilinka dukaanka ka soo muuqatay ayaa weli ku sii badaneysa, oo oogadiisa buuxisay, waxayna saacadahaasi uga dhignaayeen kuwii ugu qaalisanaa noloshiisa, maalintaasina waxay noqotay mid uu ku qorey baalasha farxada ee noloshiisa, xaalku dhankiisa waa dhag dhag, ilaa iyo haddana inay muhashadeedu laabtiisa ku sii labo lixaadsato mooyee kama yaraaneyso.
Isagoo libin ku geeraaraya sidii abaanuule ciidankiisu jebiyeen col ay dagaal fooda isku dareen ayuu ka soo laabtay hoygii Haweeya, farxaduna waxay geyeysiisay inuu wadada iskula sheekeysto, isagoo naftiisa kala faqaaya sida uu daah furayo xiriirka uu damacsan yahay in uu la yeesho Haweeya, ogaalna uma lahayn dadka kale ee wadada maraya, ee wadiiqada la wadaaga, kuwaasoo qaarkood ay u maleynayeen inuu ka mid yahay dadka qalbi fuqu ku dhacay ee waalidu la deristay, waxayna ku tirinayeen in uu dhowaan ku biirey dadka dhimirka beelay, taasi waa malahooda, isagase waxay u tahay maalin ciideed oo xaggiisa ku weyn.
Meel uu soo maray isagoon ogeyn ayuu dib ugu soo laabtay dukaankii, wuxuuna si dardar ah u bilaabay howshii uu maalmahan ka gaabiyay, ilaa uu gaaray heer isaga keligiis loo daayo hosha ka socota dukaanka, farxada heysaa faro badnaa, faallo laguma cabiri karo sida ay tahay xaaladiisu, lamina falanqeyn karo yididiilada aan yareyn ee isaga ka muuqato.
Soo barashada gurigeeda ayuu meel uu isla dhigo la’yahay, maxaa laga filan karaa haddii uu hanto ee uu helo iyada, dadka oo dhan ayay caado u tahay inay la ash-qaraaraan marka ay bilaabaan howl ku cusub oo ugub ku ah, Heybana kama duwana dadka ee qeyb ayuu ka yahay, la yaabna ma laha haddii uu furka la tuuro farxada iyo faayaheeda oo wuxuu markii ugu horeysay ka mid noqday rakaabka saaran doomaha dul mushaaxaya mowjadaha hirarkoodu degan yihiin ee bad weynta cishqiga.
F.G:- Xuquuqdu waxay gaar u tahay bogga www.somaliad.com, sinaba ha u adeegsan sheekadan idin la’aanta boggan.
Hal-abuurkii:-
C/naasir Dalmar Maxamed.
=shamsuddiin64@yahoo.co.uk=
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|