|
 |
|
|
|
|
|
|
|
We are Hiring " IRF... kasur Tuition Lessons London Tackling TB in the S... London Tackling TB in the S... London Guryo Kiro iyo Iib a...
Are you looking for ... London Qeyb-ta 12aad -Sheek... London Education Officer, U... London Education Officer, U... London Project Manager, Som... London External Midterm Eva... London Programme Specialist... London 3 bderoom Fully Furn... NAIROBI Sheekadii HEYBE IYO... London Qiso Dhab AH AQRI nairobi kenya Ha noolaato
Somali Heroes
What will be become ... London Nagala soo bac somali Waving flag Somalia Sheekadii HEYBE IYO...
Guryo Cusub Oo Kiro ... Burco Hees Cusub - Deymada...
Asda Jobs Enfield Qeyb-ta 9aad London Qeyb-ta 9aad London World Health & Safet...
FREE online courses ... London FREE online courses ... London HORN OF AFRICA DRIVI... `Hackney Bristol to london bristol harai ahmed harari Edmonton Retail Security
Professionals are ne...
Ciqaabta qofka ka ta...
VAN London cheap tickets London Guri Iib ah Cairo FREE SIA Door Superv... London Landcruiser Gado 4.5... Baardheere Qeyb-ta 4aad.
5 x Dinner Ladies Westminister Dukaanka Qalabka qur... Nairobi Muslim Driving Schoo... Wood green/ Enfiels Qeyb-ta 3aad
Daryeel Construction... Hargaisa Shirkada Mubarak Gro... Garowe Security Training Islington Computer Technician ... London Room Attendant
Training London Mustaqbal Express London Qaybtii Labaad
Retail Security London 4 x Night Cleaner London accounting mombasa Professional Chauffe... London Osman's Removals London diesel jaban oo iib ... dubai Qaybtii Koowaad
Camel Meat - Boneles... London FREE COMPUTER LESSON... London FREE COMPUTER LESSON... Somali SAHAL TRAVEL London Health and Social Ca... London CUSTOMER SERVICE NVQ... London FREE Computer Traini... London SIA CCTV Security Tr... London Looking for Work? London Mans And Vans Servic... Dunbartonshire Builders, Painters, ... Dorset
|
|
|
|
|
Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY.
|
|
Date posted: Thursday 17 June
|
|
Location: London
|
|
Price : free
|
Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY.
Cutubka 4-aad:- Ka dar oo dibi dhal.
Qeyb-ta 11aad
Haddaan xaalada dhan kale kala wareegno, waxaa Mombasa ka oogan olole ay reer Xaaji Dhengad uga gol leeyihiin u guuritaanka Nairobi, arrintaasina waxay soo cid gashay markii uu Hire ka soo laabtay Nairobi, isagoo reerka uga waramay noloshii uu ku soo arkay halkaas, intaa wixii ka dambeeyayna waxaa reerka oo ay ugu horeyso Hooyo Libin wada saameeyay dareen ay ku xiiseynayaan u guuritaanka Nairobi.
Waxaa kaloo jirey qorshe u gaar ahaa Maama Libin oo ay dooneysay inay ku dhameystirto wiilkeeda Heybe agtiisa, abaabulka arrinta guuritaankuna si xowli ah ayay ku socotay, iyadoo ay caruurta iyo Hooyadoodna ku bixiyeen dadaal aan yareyn sidii loo meel marin lahaa qorshahaas isaga ah.
Intii muddo ah waxaa socday xiriiro u dhexeeya raga jooga Nairobi iyo qoyska intiisa kale ee ku sugan Mombasa, waxayna isla lafo gurayeen arrinta ku saabsan in lagu wada noolaado Nairobi, taasoo la isku raacay markii meelo badan xaalada laga eegay, si dhugmo lehna loo shaandheeyay daruufaha u gaarka ah reerkan ay waayuhu ka soo haatiyeen halkii ay ku noolaayeen xilli badan, ruuxa qura ee qorshaha ka hor yimid-na waxay ahayd Nafiso oo da’ ahaan ku xigtay Heybe taasoo ay u socdeen howlo dhoof oo ay keligeed salaxatay, reerkuse moogaayeen.
Nafiso waxay Hooyadeed iyo walaalaheed u sheegtay inay reer ka mid ah qoysaska sidooda oo kale ka soo dalaabay Muqdisho, oo ay si aad ah isku barteen iyada inay ku dareen liis uu dalbaday wiil ku maqan Mareykanka, ayna rajeynayso inay dhowaan wax u hirgalaan, sidaas ayayna ku sababeysay ka haritaanka ay ku hareyso Mombasa, waxayna raali gelin ka bixisay inay arrintaas ka qarisay reerka.
Soo jeedinta Nafiso waxay caro lixaad leh laabta uga beertay Libin oo aad uga xumaatay in gabadheedu ku dhaqaaqdo talaabo iyada u gaar ah, waxayna si gocosho leh u soo xusuusatay weedha caanka ah ee WAXAAD DHASHAY KUMA DHALIN, oo waxay liqi weyday kana degi waayay waxa gabadheedu fashay ee ah inay keligeed isku tashatay oo si hoose oo nafteeda ku kooban u haweysatay safar aan lala ogeyn reerkuna la socon.
Arrinta ay ka dhawaajisay Nafiso waxay is maan dhaaf dhex dhigtay iyada iyo Hooyadeed, xaalkuna meel xun buu gaaray, iyo in lagu kala dhinto, warkiina wuxuu gaaray Heybe iyo Siciid, oo waxaa u sheegay lana socodsiiyay Hire oo ay ku adkaatay inuu xaliyo, Heybe qorshe ayaa u qoosh-naa, maankiisoo dhammina wuxuu si qoto dheer ugu mash-quulsanaa qorshahaas, mana dooneyn in laga qaso oo qulub laga geliyo, sidaa awgeed ayuu sii walaaciyay arrintiina uga sii daray, halkii uu ka dejin lahaa, is fahamna dhex dhigi lahaa Hooyadii iyo walaashii, iyadoo deganaan li’ida heysaa keentay in uu si aan miir-adeegasho ahey-na arrinta u galay, taasina waxay uun sii murjisay is maan-dhaafkii ku dhex jirey labada is dhalay.
Raqba waa ku rageed, arrintii waxay mudatay in uu damiyona ka dhammaan weyday Siciid, isagoo maskaxda ku haya RAGNA TIISA MOOYEE MAAREE DHIBAATO ayuu howshan u soo jeestay, wuxuuna soo aaday Mombasa, markii uu reerka oo ay is moogaayeen in doora salaan hilow xambaarsan wada deeqsiiyay, ayuu gudo galay qodobkii gun dhiga u ahaa safarkiisa wuxuuna ku hormaray Hooyo Libin, oo uu si weyn uga sheekeeyay isbedelada ku yimid dhaqankii ma guuraanka ahaa ee ummaddu lahayd, wuxuuna maamada u dul maray in ay wax badani iska bedeleen dhaqankii hufnaa ee lagu yaqiin dadkeena, isagoo u raaciyay taasi inay u sabab tahay kala duwanaashaha u dhexeeya waalidiin badan iyo caruurtooda.
F.G:- Xuquuqdu waxay gaar u tahay bogga www.somaliad.com, sinaba ha u adeegsan sheekadan idin la’aanta boggan.
Hal-abuurkii:-
C/naasir Dalmar Maxamed.
=shamsuddiin64@yahoo.co.uk=
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|