|
 |
|
|
|
|
|
|
|
We are Hiring " IRF... kasur Tuition Lessons London Tackling TB in the S... London Tackling TB in the S... London Guryo Kiro iyo Iib a...
Are you looking for ... London Qeyb-ta 12aad -Sheek... London Education Officer, U... London Education Officer, U... London Project Manager, Som... London External Midterm Eva... London Programme Specialist... London 3 bderoom Fully Furn... NAIROBI Sheekadii HEYBE IYO... London Qiso Dhab AH AQRI nairobi kenya Ha noolaato
Somali Heroes
What will be become ... London Nagala soo bac somali Waving flag Somalia Sheekadii HEYBE IYO...
Guryo Cusub Oo Kiro ... Burco Hees Cusub - Deymada...
Asda Jobs Enfield Qeyb-ta 9aad London Qeyb-ta 9aad London World Health & Safet...
FREE online courses ... London FREE online courses ... London HORN OF AFRICA DRIVI... `Hackney Bristol to london bristol harai ahmed harari Edmonton Retail Security
Professionals are ne...
Ciqaabta qofka ka ta...
VAN London cheap tickets London Guri Iib ah Cairo FREE SIA Door Superv... London Landcruiser Gado 4.5... Baardheere Qeyb-ta 4aad.
5 x Dinner Ladies Westminister Dukaanka Qalabka qur... Nairobi Muslim Driving Schoo... Wood green/ Enfiels Qeyb-ta 3aad
Daryeel Construction... Hargaisa Shirkada Mubarak Gro... Garowe Security Training Islington Computer Technician ... London Room Attendant
Training London Mustaqbal Express London Qaybtii Labaad
Retail Security London 4 x Night Cleaner London accounting mombasa Professional Chauffe... London Osman's Removals London diesel jaban oo iib ... dubai Qaybtii Koowaad
Camel Meat - Boneles... London FREE COMPUTER LESSON... London FREE COMPUTER LESSON... Somali SAHAL TRAVEL London Health and Social Ca... London CUSTOMER SERVICE NVQ... London FREE Computer Traini... London SIA CCTV Security Tr... London Looking for Work? London Mans And Vans Servic... Dunbartonshire Builders, Painters, ... Dorset
|
|
|
|
|
Qeyb-ta 12aad -Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY.
|
|
Date posted: Wednesday 28 July
|
|
Location: London
|
|
|
Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY.
Cutubka 4-aad:- Kala maan.
Qeyb-ta 12aad
In cambaar ah markii uu Hooyo Libin si ay fahmi karto uga dhaadhiciyay sida ay u kala duwan yihiin dhaqamada ay ku hano-qaadeen iyada iyo gabadheeda, ayuu haddana wuxuu sawir ka siiyay inay dhalinta maantay aad ugu jeelan yihiin, jaceyl cad dhaaf ah-na u hayaan dhoofka dibadeed, halka ay jiilashii hore ahaayeen kuwo aan dalkooda meel-na ku doorsanayn oo jecel, wuxuuna ku yiri:-
= Eedo waxaan u malaynayaa inay Nafiso u hiyi kacsan tahay dibad iyo dhoof, sida aan ku arkay da’ yarta maanta, waad-na ogaan doontaaye taas un baa sabab u ah inay ku dhaqaaqdo wax aadan la ogeyn, kuna adkeysato , laakiin ma filayo inay ka tahay waalid caasinimo=.
Hadaladiisu way dejiyeen Hooyo Libin, sida uu wax ugu sheegay iyo uur nugeylka waalidnimo ayaa isku kaashaday kana saaray caradii ay u heysay gabadheeda, is-na wuxuu u muuqday nin helay furihii uu ku furdaamin lahaa xaalada, isagoo u jeestay dhankii Nafiso, si uu iyadana markeeda wax uga dhaadhiciyo, una taabsiiyo khaladkeeda.
Kulankii uu Siciid la qaatay Nafiso wuu ka duwanaa wada sheekeysigii uu la yeeshay Hooyo Libin, waxayna labadoodu u wada hadleen si dhalinyarinimo ku dheehan tahay, waxaana dhex marey labadooda doodan:-
Siciid:- Abaayo adiga oo aan I dhibsan bal iiga sheekee waxa ay Hooyo kaaga carootay ee ka keenay kuleylka.
Nafiso:- Walaalow waad ogtahay waxaa si waalan u socda qaaditaanka qoysas loo qaadayo Mareykanka, anoo og in reerkeenu how-shaas ku jirin ayaan ka war helay reer ka mid ah deriska oo aan isku wanaagsanahay inay heleen tiro ka badan inta ay ka kooban yihiin oo uu soo dalbaday wiil ay dhaleen oo halkaas ku maqan, waxaan ka codsaday inay igu daraan tirada dheeraadka ka ah iyaga, welibana isxaan iyo aqoon ayay iiga dhaafeen lacag ay dadka ka qaadayeen, waxaanan u sheegay ilaa howshu dhammaato inaysan u sheegin reerkeena, waana iga yeeleen, aniga ayaana daboolka ka qaaday markii aan ogaaday in loo wada guurayo Nairobi, arrintu sidaa ayay ku bilaabatay mana doonayo inay fursadani I dhaafto oo aan ka haro reerkan.
Siciid:- Si aad ah ayaan kuu fahmay, waxaana dhankaaga kaa saameeyay dibad jaceylka taabtay dhalinteena maanta, laakiin waxaa la rabay inaad si degan oo qadarini ku jirto wax ugu sheegto waalidka, ama aad nala soo socodsiiso annaga si aan Hooyo uga dhaadhicino sida wax u jiraan iyo doonistaada, balse sidaa ma yeelin waxaana kuu muuqday rabitaankaada markaasaad Hooyadii ku soo barbaarisay ka hor timid oo ka careysiisay taasna looma baahneyn ee sidaa ma u ogtahay?.
Nafiso:- Wallaahi aboowow igama ahayn inaan Hooyo ka hor imaado ama aan noqdo waalid caasi, waxase iga tan badiyay buufiska halkaan ka bilowday iyo dhoof jaceylka caadiga ka noqday meeshaan, maxaa yeelay dad badan oo aan aqaano ayaa loo qaaday Mareykanka qaar kalena waa sugayaan, marka haddiiba aan helay fursad aan kaga daba tago gab-dhihii aan ku saaxiibnay Mombasa waxaan u arkay hoodo iyo ayaan ii soo hoyday, taas-na waa isla fahmi weynay Hooyo, ee wax kale ma jiraan.
Siciid:- Anigu waan garan karaa arrinta oo dhan, waxaad-se ilowday waalidku inaysan nagu dareen ahayn, oo aan kala waqti duwanahay, hadda waxaad qarka u saaran tahay in uu meel gaari waayo dadaalkii aad u gashay arrintan, maxaa yeelay Hooyadaa uu ku careysan sow ma ogid inaysan wax-ba kuu kala soconeyn, arrin kasta oo aad ku dhaqaaqdana ay ku dhammaanayso fashil iyo guul daro, ma habooneyn inaad waalidka ka hor timaadid, inaad u seex-seexato iyo sabaaab-sab ayaa wax looga dhammeystaa dhankooda, Hooyooyinkuna kuma sii jiraan oo waa ka beer jilicsan yihiin Aabayaasha, hadda iyo dan waxaa lagaa doonayaa inaad Hooyo raali geliso oo ka qanciso caradii ay kaa qaaday, waxaanan hubaa inaan dhankeeda wax-ba kugu dhaafeyn.
F.G:- Xuquuqdu waxay gaar u tahay bogga www.somaliad.com, sinaba ha u adeegsan sheekadan idin la’aanta boggan.
Hal-abuurkii:-
C/naasir Dalmar Maxamed.
=shamsuddiin64@yahoo.co.uk=
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|